Mareykanka iyo Shiinaha ayaa wada-hadalladii u horreyay oo la xiriira arrimaha ganacsiga iyo canshuurta ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Wada hadalada oo socda ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan natiijo isku soo dhaweyn karta labada dal, maaddaama mudooyinkii ugu danbeeyey uu cirka isku shareeray dagaalka Shiinaha iyo Mareykanka ee dhanka ganacsiga.
Kadib dib u doorashadii Trump waxa uu xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka noqday mid aad u xumaaday, kadib cansuuro kala duwan oo uu saaray badeecadaha shiinaha ee Mareykanka yimaada.
Shiinaha ayaa isna qaaday tallaabo aargudasho ah, waxaana canshuuro u dhigma kuwa mareykanka uu ku soo rogay badeecadaha Mareykanka ee la keeno Shiinaha, taas oo xaaladda sii adkeysay.
Inkastoo ay dib ugu soo laabteen shirka haddana saacadihii la soo dhaafay Wefdiga Shiinaha wada-hadallada uga qeybgalayay ayaa bannaanka uga soo baxay goobta ay wada-hadallada ka dhacayeen, iyadoo aan wax sharraxaad ah laga bixin.
Si kastaba waxaa la filayaa in labada dal ay gaaraan heshiis rasmi ah, kaas oo hoos u dhigaya xiisadii ganasiga ee maalmahan soo jiitameysay.