Wadahadallo nabadeed oo uu gar-wadeen ka ahaa Mareykanka oo u dhaxeeyay dhinacyada ku dagaallamaya Sudan, ayaa ku guuldarreystay in ay soo afjaraan dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 16-ka bilood ah.
Hase ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay, in wadahadalladani ay sahleen in malaayiin qof oo ku gaajeysan Sudan ay galaangal u helaan cunto, dawo iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolosha aadanaha oo ka xannibnaa in muddo ah.
Wada hadaladii socday labaddi toddobaad ee la soo dhaafay, ayaa sababay in la furo seddex marin oo hore u xirnaa, kuwaas oo muhiim u ahaa in gargaar la gaarsiiyo dadka rayidka.
Sida ay sheegtay la’aanta cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay kala bar dadka reer Sudan ee ku go’doonsan gobolada ay dagaalladu ka socdaan ayaa wajahaya xaaladd cunno la’aan ah, waxaana kordhaya cabashada ka soo yeereysa dadkaasi rayidka ah.