Abu Maxamed al-Jolani oo magaciisa saxda ah uu yahay Axmed Xuseen al-Sharaa waa Hoggaamiyaha Kooxda Jihaadiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham, oo ah jabhadda ugu weyn Waqooyi-Galbeed ee Suuriya, taas oo kaalin weyn ku lahayd guusha ay mucaaridka Suuriya dalkooda uga saareen Bishaar Al Assad iyo nidaamkiisii.
Abu Maxamed al-Jolani ayaa intii uu dagaalka Suuriya socday noqday shakhsiyaadka la xusuusan karo, waxaana dhawaan la baahiyey muuqaalo nin gar leh oo gashan tuutaha milateriga hagayana weerarka, kaas oo ahaa al-Jolani.
Haddaba waa kuma Abu Maxamed al-Jolani
Abu Maxamed al-Jolani sida uu ku sheegay Wareysi uu siiyey PBS sanadkii 2021-kii, wuxuu sheegay inuu 1981 ku dhashay dalka Sacuudiga, halkaasi oo uu aabihii ka shaqeyn jiray ahaana injineer saliid ilaa 1989.
Wixii intaasi ka danbeeyey qoyskiisa ayaa ku noqday Suuriya gaar ahaan xaafadda Mezzeh ee Dimishaq, isagoo goobtaasi waxbarashadiisa qeyb ka mid ah ku qaatay.
Socdaalkiisa Jihaad doonka
Kadib duulaankii Mareykanka ee Ciraaq sanadkii 2003-diii, Abu Maxamed al-Jolani waxa uu isaga tagay waxbarashadiisa, isagoo u baqoolay dalka CIraaq, halkaas oo uu kaga biiray Ururka Al Qaacida.
Durba wuxuu noqday nin fir fircoon oo kooxda dhexdeeda darooyin muhiim ah ka qabta, aadna loogu kalsoon yahay, waxaana arrintaasi ka caawiyey Abuu Muscab Al-Zarqaaw oo ay noqdeen saaxiibo aad isugu dhaw, maaddaama Zarqaawi uu ahaa aasaasihii Al-Qaacidada Ciraaq, wuxuuna u Jolani u qaabilsanaa fududaynta hawlgalada xudduudaha isaga gudba, isaga oo asal ahaan ka soo jeeda Suuriya, iskuna xirayey dagaalyahanada ajnabiga ah iyo falaagada gudaha ee qaadayey weeraro iyo howlgalo ismiidaaminta ah.
Sanadkii 2006 markii la dilay Zarqawi, wuxuu Abu Maxamed al-Jolani u guuray dalka Lubnaan halkaas oo sida la sheegay uu kormeeray tababarka kooxda xagjirka ah ee Lubnaan ee Jund al-Sham. Waxaa la rumeysan yahay inuu mar kale u safray dalka Ciraaq, halkaas oo ay ku xireen ciidamada Mareykanka in muddo ah, wuxuuna ku biiray dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq ka dib markii la sii daayay 2008-dii.
Soo laabashadiisa Suuriya
Sida ay la rumeysan yahay Abu Maxamed al-Jolani ayaa bishii August 2011kii, ku soo laabtay Suuriya, isagoo halkaas ka yagleelay laan ka mid ah al-Qaacida, taas oo ku biireysa Dagaalka looga soo horjeedo Bishaar Al Assad.
Abu Maxamed al-Jolani ayaa wixii intaasi ka danbeeyey billaabay inuu la shaqeeyo hogaamiyaha Daacish Abu Bakar al-Baghdadi, balse qorshihiisa ayaa ah aas aasida ururka Al-Qaacida ku matala Suuriya, taas oo u suura gashay, waxaana sanadkii 2012-kii uu aas aasay Jabhat al-Nusra.
Abu Maxamed al-Jolani ayaa intaasi kadib Hoggaamiyaha Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ka diiday in ay isku biiraan, maaddaama ay hal cadow wada leeyihiin, wuxuuse cod dheer ku sheegay inuu daacad u yahay hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.
Balse bartamihii 2016 ayuu Abu Maxamed al-Jolani ku dhaawaqay in ururkiisa uu gabi ahaanba isaga baxay ururka Al Qaacida, isla markaana kooxdiisa loogu yeeri doono Jabhat Fateh al-Sham, waxaase Sannadkii 2017-kii, kooxdu ay dib-u-habayn ku samaysay Hayat Tahrir al-Sham, oo ah isbahaysi ka kooban kooxo Islaamiyiin ah oo uu hoggaamiyo al-Julani.
Sannadkii 2021, al-Julani ayaa u sheegay PBS inuu ka tagay hadafkii al-Qaacida ee Jihaadka caalamiga ah, haddana uu diiradda saarayo oo keliya sidii uu xukunka uga tuuri lahaa maamulka Bashaar Al-asad ee Suuriya iyo sidii uu xukun Islaami ah uga hirgelin lahaa Suuriya.
Inkastoo hadafkiisii uu ku guuleystay haddana waxaa xusid mudan in Abu Maxamed al-Jolani ay kal hore dowlada mareykanka madaxiisa dul dhigtay 10 milyan oo dollar, waxaana ay u aqoonsatay hoggaamiyayaasha argagixisada ee halista badan.
Si kastaba Abu Maxamed al-Jolani ayaa iminka la aaminsan yahay inuu door ku lahaan doono dowladda cusub ee Suuriya laga dhisayo, maddaama uu kaalin muuqato ka soo ciyaaray dagaalkii xukunka looga tuuray Madaxweynihii Suuirya Bishaar Al Assad, oo iminka magangalyo ahaan u jooga Ruushka.
WQ: Ayaanle Abdirahman Qoyste