Ukraine ayaa sheegtay in ay kala dhantaashay awoodda Ciidan ee Ruushka iyada oo ku faantay in ay gubtay goobaha dhoofinta shidaalka, sidoo kalena ciidamadu ay dib u qabsadeen Dhul horay looga qabsaday.
Kyiv ayaa xustay in weerarro toos ah iyo kuwo dadban ay ku qaadday xeryo ay degen yihiin ciidamada Ruushka, halkaas oo ay ku burburisay Gaadiid, dhismo ay samaysteen kuna dileen Ciidamo sida ay hadalka u dhigtay.
Maalin ka hor waxa ay Ukraine soo bandhigtay muuqaalka mid kamid ah Diyaaradaha duulliye la’aanta oo eryanaya Askari katirsan Ciidamada Ruushka oo markii dambe ku qaraxday, waxa ay taasi dhalisay hadal hayn xooggan.
Ruushka weli kama hadlin arrintaan, waxaana lagu wadaa in Xukuumadda Moscow ay war kasoo saarto sida ay warisay Warbaahinta dalalka u janjeera dhinaca Ukraine oo xogtaan soo gudbisay
