Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa shalay gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay dilkii todoba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ee ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dilkaas ayaa sababay khasaare nafeed waxaana dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaanno ku saabsan dhacdadan, waxaana xabsiga loo taxaabay masuuliyiintii degmada Ceel-Baraf iyo odayaal dhaqameed fara badan.
Waxaa lagu waddaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xaliyo colaada oo markan u muuqata mid faraha ka bixi rabta.
Sidoo kale Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan deegaanka Ceelbaraf, kuwaas iyaguna qeyb ka ah xalinta xiisadan iyo soo qabashada eedeysanayaashii falkan ka danbeeyey