Danjiraha Dowladda Turkiga ee Qaramada Midoobay, Ahmed Yildiz ayaa Golahaas sheegay in Ciidanka Israa’iil ay dhul boob xooggan kawadaan Dhulka Falastiin iyaga oo dadka ku qasbaya inay isaga tagaan dhulkooda sida uu hadalka u dhigay.
Tallaabadaan oo ah mid sharci darro ah ayay Israa’iil joogtaysay in ay dhul ballaarsi ku samayso Falastiin, waxaana Turkiga uu intaas ku daray in aanay indhaha laga qabsan Karin foolxumada ay falkineyso Yuhuudda sida uu yiri.
Qorshaha Dhul ballaarsiga Israa’iil ayuu Qaramada Midoobay u sheegay, waxa uu xusay in ay qiil ka dhiganayso howlgallo iyo iska caabbin ay ku samaynayso dad ay uga shakisan tahay ururrada ka dhisan Dalkaas ee diidan damaceeda.
Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa horay u sheegay in Israa’iil ay dhul ballaarsi baahsan kawaddo Dalalka Carabta sida Falastiin, Lubnaan, Suuriya iyo kuwo kale, waxa uu ururkaas soo jeediyay in gacmaha laga qabto laguna soo celiyo xeendaabka Sharciga.
