Madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Mexico ay ku heshiiyeen in la joojiyo muhaajiriinta doonaya inay ka gudbaan xadka Mareykanka.
Labada mas’uul ayaa ku wada hadlay qadka taleefanka, iyagoo diiradda saaraya sidii looga hortagi lahaa dadka magangalyo doonka ah.
“Mexico waxay joojin doontaa dadka inay tagaan xuduudda koonfureed ee Mareykanka, si ay u soo gudbaan,” ayuu yiri Trump oo qoraal kooban ku daabacay baraha bulshada.
Sidoo kale, Trump ayaa ku dhawaaqay in qorshihiisa ka hortagista dadka sharci darrada ah uu sii socon doono, isagoo sheegay in howlaha muhiimka ah ay bilaabi doonaan marka uu xilka la wareego bisha Janaayo ee sannadka soo socda.
Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa xaqiijisay inay jiraan wada hadallada isaga iyo Trump, laakiin wuxuu sidoo kale caddeeyay in dalkiisa uusan qorsheynin inuu xirto xuduuddiisa, balse ay ka hortagayaan dadka sharci darrada ah.
Donald Trump ayaa olalaha doorashadii uu ku guuleystay ku ballanqaaday in uu ka hortagi doono dadka magangalo doonka ah ee sharci darrada ku gala dalka Mareykanka, Mexico ayaana ka mid ah waddamada ay ka gudbaan dadkaasi.