Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Jimce ah inuu booqdo goobaha ay duufaannada iyo dabka ku waxyeeleeyeen ee gudaha Mareykanka.
Madaxweynaha wuxuu tagi doonaa gobolka North Carolina oo ay duufaanta Helene ku dhufatay bishii September, iyo magaalada Los Angeles, California, oo ay wali ka socdaan dabab xoog leh, iyada oo in ka badan 100,000 qof lagu amray inay ka guuraan guryahoodii.
Dabkii ka kacay magaalada Los Angeles, California ayaa ahaa mid aad u xoogganaa kaas oo geystay khasaare kala duwan, waxaana dadka qaar ay weli yihiin kuwo hoy la’aan ah oo degan Hotelo.
Dadka ku barakacay dabkan ayaa dowladda Mareykanka ka filaya in ceymisku uu ka caawin doono dib u dhiska aqaladooda, waana kuwo sheegaya in ay ku nool yihiin xaalad hubanti la’aan ah, balse isku qasbaya in ay noloshan la qabsadaan.
Madaxweyne Trump ayaa dhaliilay sida masuuliyiinta maxaliga ay uga jawaabeen dabkii ka kacay Los Angeles, isagoo khudbadiisii ugu horeysay toddobaadkan ku sheegay in dabku uu sii socdo,taas oo uu u micneeyey mid nasiib darro ah.