Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah shahaadooyinka ururnimo ugu guddoonsiiyay toddobo urur-siyaasadeed oo buuxiyay dhammaan shuruudihii diiwaangelinta.
Munaasabadda, oo ka dhacday xarunta dhexe ee guddiga, ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyinka ururrada kala ah: Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka, Ururka Cadaaladda iyo Dib-u-heshiisiinta, Ururka Dan-shacab, Ururka Soomaalinimo, Ururka Xal Qaran, Ururka Xurnimo iyo Xaqsoor, iyo Ururka Cagaaran ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, oo hadal ka jeediyay xafladda, ayaa sheegay in oo ah 14ka May ay ku egtahay waqtigii loo asteeyay diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, balse uu tilmaamay in ay jiraan ururro kale oo horey u soo buuxiyay qayb ka mid ah shuruudaha, kuwaas oo la filayo inay si dhameystiran u soo buuxiyaan maalmaha soo socda.
Madaxda ururrada la guddoonsiiyay shahaadooyinka ayaa dhankooda muujiyay diyaar garowgooda ku aaddan ka qeyb galka doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sidoo kale caddeeyay inay ka go’an tahay inay door muuqda ka ciyaaraan hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.