Shacabka Tuniisiya ayaa isugu soo baxay waddooyinka Sabtidii, iyadoo dibadbaxu socdo todobaadkii saddexaad oo isku xigta, waxana ay shacabku ka soo horjeedaan awood isku ballaarinta madaxweyne Kais Saied ee ka dhanka ah mucaaradka, dhaleeceynta iyo NGO-yada.
Mudaaharaadyada ka dhanka ah Saied ayaa sii kordhaya iyadoo kooxaha xuquuqul insaanka ay ku eedeeynayaan inuu isticmaalo garsoorka iyo booliiska si uu u cabudhiyo kuwa ka soo horjeeda iyo inuu ku adkeeyo xukun kali-talis ah oo hal nin ah.
Dhankiisa Saciid waxa uu dafiray in uu noqday kaligii taliye ama uu garsoor u adeegsaday mucaaradka.
Todobaadki hore maxkamada rafcaanka ayaa xukuno xabsi ah oo gaaraya 45 sano ku xukuntay tobanaan hogaamiyeyaal mucaarad ah, ganacsato iyo qareeno kuwaas oo lagu eedeyay in ay maleegayeen afgambigii Saied, arintaas oo ay dhaleeceyntu ku sheegeen in ay astaan u tahay xukunka kali talisnimada ah.
Dibad-baxayaasha oo ka kala socday qaybaha siyaasadda ayaa sitay boodhadh ay ku qoran yihiin “mucaarad dambi ma aha”, “Tunisia Xorta ah”, waxayna kor u qaadeen sawirrada tobanaan hoggaamiyeyaal iyo dhaqdhaqaaqayaal la xidhay.

