Tirada dadkii ugu badnaa ayaa saacadihii ugu danbeeyey ka barakacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib fatahaad uu sameeyey webiga Shabeelle.
Dadkan ayaa u barakacay duleedka Magaalda, waxaana laga deyrinayaa xaaladood nololeed oo iminka ah mid aad u liidata.
Fatahaada uu sameeyey webiga Shabeelle ayaa waqtigan saameyn xooggan ku yeelatay inta badan xaafadaha magaalada Baladweyne.
Weli waxaa socda gurmadka ay wadaan guddiga ka hortaga fatahaada ee gobolka Hiiraan, balse waxaa adkaatay in la xakameeyo biyaha oo xilliga qaab xowli socda
Magaalada Baladweyne ayey dadkeedu dhibanayaal u noqdeen Fataahada webiga Shabeelle uu sanad walba sameeyo, kaas oo khasaare xooggan gaarsiiya dadka reer Baladweyne.