Bishan aynu ku guda jirno ee June ayaa lagu wadaa in dalka Soomaaliya ay isaga baxaan ciidamo badan oo qeyb ka ah Howlgalka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee ATMIS
Sida ay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaarada difaaca ay xaqiijisay, waxaa la filayaa in bishan June ay dalka ka baxaan ciidamo gaarayo 2-kun oo ka tirsan ATMIS.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo arrinta soo hadal qaaday, ayaa xusay in ciidamada Soomaaliya ay la wareegayaan amniga dalka, kaas oo uu sheegay in ay iminka u diyaarsan yihiin.
Waxaa kale oo ay dowladdu shaaca ka qaaday in ay raaceyso meel marinta qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee dhigayey in hoos loo dhigo tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya.
Arrinta bixitaanka ciidamada ayaa loo saaray guddi ka kala socda xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Mid ay magacawday dowladda Soomaaliya, kuwaas oo isha ku heynaya meel marinta qorshaha bixitaanka ciidamadan.
Lama sheegin dalalka ay ka soo jeedaan ciidamada 2-kun ee baxaya bishan, balse waxaa la ogyahay in ciidamada dowladdaha safka hore ay qeyb ka yihiin wajiga labaad ee howlgalka lagu baacsanayo Al Shabaab.