Thailand ayaa waqtigan qorsheyneysa in suuqyada Afrika ay u iib keento Bariis ay keydineysay in ka badan 10 sano, kaas oo qeyb ka ahaa qorshihii muranka dhaliyey inta lagu guda jiray maamulkii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Yingluck Shinawatra.
Sida ay ku dhawaaqday Dawladda Thailand waxey diyaarisay qorshe ay ku xaraasheyso ilaa 150,000 oo jawaan oo bariis duug ah, waxaana la rajeynayaa in Bariiskaasi ay ka soo xarooto lacag lagu qiysaasay inta u dhaxeysa 5.4 milyan ilaa $10.8 milyan.
Bariiskan oo la keydinayey in ka badan 10 sano, ayaa durba laga muujinayaa walaac, waxaana laga cabsi qabaa inuu soo kordhiyo xaaladdo caafimaad darro, maaddaama uu wax badan keydsanaa.
Dowladda Thailand oo ka war heshay walaacaasi ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameynayaan bariiskan, isla markaana ay marinayaan tijaabo sheybaar si badqabkiisa loo xaqiiqsado.
Bariiska Thailand ayaa saameyn ku leh suuqyada Afrika qaarkood, waxaana si joogta ah ula soo dega ganacsatada dalalka South Africa, Senegal, Cameroon, Mozambique, and Côte d’Ivoire.
Inkastoo la xadiday Bariiska la soo dhoofinayo, misana waxaa jira cabsi laga muujinayo in Bariiskan duuga ah uu galo Suuqa Nigeria oo ah kan ugu weyn Afrika.
Si Kastaba Qubrada Caafimaadka ayaa ka digaya bariiskan duuga ah, kaas oo sida ay sheegayaan sababi kara xaaladdo caafimaad darri.