Golaha Murtida iyo Madadaalada National Theater-ka Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay Film Taxane ah oo la magac baxay Shabakada, kaas oo qoridiisa, soo saaristiisa iyo jilidiisaba ay ka shaqeeyeen dhallinyaro Soomaaliyeed.
Taxanaha Filimka Shabakada ayaa ah Film ka hadlaya arrimo ay ka mid yihiin Ka ganacsiga xubnaha jirka Bani’aadamka iyo Qaladaadka ka dhaca gudaha xarumaha Caafimaadka, oo qaarkood ay ka howlgalaan dad aan aqoon durugsan u lahayn arrimaha caafimaadka.
Soo saraha Filmka Shabakada Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Caato ayaa ugu horeyn ka warbixiyey inta qeybood ee uu taxanahani ka kooban yahay iyo tirada dhallinyarada Soomaaliyeed ee doorka muuqda ku lahaa Filmkan.
” Waxaan ahay Producer, waxaan kale oo aan ahay Director iyo Screen Writer, Filimka Shabakada waxaa duubeynay muddo 100-maalmood ah, Filka wuxuu ku saabsan oo uu ka hadlayaa ka ganacsiga xubnaha jirka bani’aadamka, iyo qaladaadka ka dhex dhaca isbitaalka, waana taxane ka kooban 26 qeybood, waxaana ka shaqeeyey dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaraya 200- ilaa 300, anaga Filimaan kala duwan ayaan sameynaa heerka filin sameynteenana waxaan rabnaa inuu gaaro meesha ugu sareyso oo aan la tartano Istuudiyayaasha waa weyn ee Hollywood-ka”
Qoraaga Sheekada Filmka Shabakada Maxamed Xasan ayaa isna Hortabin Media u sheegay in ka hor howsha filmkan ay sameeyeen baaritaan iyo xog ururin, taas oo sida uu tilmaamay ku qasabtay soo bandhigida Sheekada Filimka.
“Sheekada Guud waxa ay quseysaa Gabar Kalkaaliso ah, oo gacanteedu uu ku geeriyoonayo qof bukaan ah, dabcan qofkaasi iskama dhimanin, waxaa dhacda mararka qaar in Xarumaha caafimaadka ay wax badan ka halaabayaan iyagoo tixgalinaya dhaqaalaha, Filmka aad ayuu uga hadlayaa qaladaadka ka dhaca Isbitalada dhexdooda, sheekadaan inta aanan sameyn ka hor waxaan sameynay xog ururin, waana arrin ka dhex jirta gudaha magaalada iyo kiisas inta badan la arko”
Dhallinyarada fursada u heshay in munaasabada soo bandhigda filmka Shabakada ay ku daawadaan Theaterka Qaranka, ayaa sheegaya in Filmka uu iftiiminayo waxyaabo ka dhaca Caasimada oo inta badan waalidiinta ay uga digaan ubadkooda, sida ay ku warameyso Ruweyda Maxamed oo ka qeyb ka ah dhallintii Soo bandhigda Filmka soo xaadirtay.
” Waxaan aad ugu faraxsanahay in caawa markii ugu horeysay aan imaado Theaterka Qaranka, aana ku daawado filimkan oo ah mid aad u xiiso badan, qeybaha aad iisoo jiitay waxaa ka mid ah qeybta Gabadha la afduubanayo, filimka waxa uu ka turjumaayey wax dalka ka dhaca, isla markaana ay inta badan waalidiinta nooga digaan, iyagoo nagu yiraahda soo dhaqsada Magaalada waa la is afduubanayaa”
Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa gudaha dalka ku soo badanayey Filimo lagu jilay gayiga Soomaalida, kuwaas oo doorar kala duwan ay ku leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana indhaha dhallinta filimada xiiseysa aad u soo jiitay habka loo duubay loona jilay aflaantan oo ah mid uu ku dheehan yahay farshaxanka xiisa gaar ah leh, iyadoo dhallinta wada howshan Filin sameyntana ay naawilaayaan in heerkooda filmada uu gaaro kan caalamka.