Sida laga soo xigtay QM, gabdhaha ay da’doodu u dhaxayso 15-19 ee dalka Tanzania, afartii gabdhoodba midkood ayaa ama uur leh ama ilmo dhashay.
In kasta oo la qaaday siyaasado dhigayey in gabadhaha da’da yar ee uurka qaada aan iskuulka loo ogolaan, haddana kuwo badan oo iyaga ka mid ah ayey ku adag tahay in hooyooyin noqdaan, iskuulkana sii wataan.
Tallaabadan ayaa walaac badan abuurtay, waxaana qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha ay dalbanayaan in Dowladda Tanzania ay kaaqo tallaabooyin rasmi ah oo ay arrintan u xakameyneyso.
Gabadhahan da’da yar ayaa dhibaatooyin badan ka dhaxla ilmaha ay caloosha ku qaadaan, waxaana badankood aad ugu adag in ay ka soo dhalaalaan masuuliyada hooyo-nimo, sababo la xiriira garaadkooda oo aan weli dhameystirneyn.