Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Canada, gaar ahaan kuwa magaalada Ottawa ee caasimadda dalkaas, ayaa aad wax looga xumaado ku tilmaamay, kadib markii la sheegay in Shan sargaal oo Soomaali ah oo ka tirsan booliska Ottawa la dhageysanayay hadalladooda.
Xubnahan ayaa si toos ah loola socday dhaq dhaqaaqooda iyagoo jooga guryahooda isla markaana waqti la qaadanaya qoysaskooda, taas oo walaac hor leh ku abuurtay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada
Hoggaamiyeyaasha jaaliyadda Soomaalida ayaa falkaasi ku sheegay handadaad iyo takoor lagula kacay saraakiishaas, waxaana sida ay sheegeen halkaasi ka muuqda kalsooni darro iyo shaki baahsan.
Hoggaamiyayaasha Jaaliyada ayaa nasiib darro ku tilmaamay in taleefanada saraakiishan la dhageysto, xilli aan wax denbi ah lagu heynin, waxaana iminka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada ay jawaab ka sugeysaa booliska dalkaasi, oo waqtigan doonayo inuu qanciyo Soomaalida falkan ka carootay.
Saraakiisha ayaa hadda dalbaday magdhow gaareysa 2.5 milyan oo dollar-ka Canada ah, waxaana xusid mudan in wax ka badan 15 sarkaal oo Soomaali ah ay ka tirsan yihiin booliska Canada.