Sheekh Axmed Ismaaciil Xasan Yaasiin. Waxa uu ahaa aasaasihii ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta iyo urur siyaasadeed kale, waxana uu ku dhashay al-Jura, oo ah tuulo yar oo u dhaw magaalada Ashkelon, xilligii uu Ingiriisku xukumayay Falastiin.
Taariikhda dhalashadiisa si dhab ah looma oga, balse baasaboorkiisa Falastiin waxaa ku qornayd inuu dhashay 1 Janaayo 1929 kii, inkasta oo uu sheeganayay inuu dhab ahaantii dhashay 1938 dii.
Yaasiin waxa kale oo uu ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka. Xamaas ayaa caan ka dhex noqotay bulshada falastiiniyiinta ka dib markii ay dhiseen isbitaalo, nidaam waxbarasho, maktabado iyo adeegyo kale, balse waxa ay sidoo kale sheegatay mas’uuliyadda tiro weeraro ismiidaamin ah oo lala beegsaday Israa’iil, taasoo keentay in dowladaha reer galbeedka ay ku tilmaamaan urur argagixiso.
Yaasiin, oo ahaa naafo indhaha aan safiican waxba uga arag, ayaa waxa uu kursiga curyaanka saarnaa tan iyo markii uu shil galay isaga oo 12 jir ah, balse Wiljeerkiisa isagoo ku fadhiya ayuu hantay qalbiyada falastiiniyiinta, wuxuuna ku sifoobay hoggamiye mayal adag oo ka dhiidhiya danaha Israa’iil iyo kuwo reer galbeedka ilaa laga soo gaaro 2004-tii kolkaas oo uu duqeyn ku dilay duuliye Israa’iili ah oo watay diyaarad helicopter ah.
Dilkiisa oo ah weerar galaaftay nolosha dad gaaraya sagaal qof, ayaa soo dedejiyay dhaleeceyn badan oo Israa’iil lagala dul dhacay. Dad badan oo indha-indheeya arrimaha Falastiiin ayaa soo jeediyay in falkaasi uu si xun u saameyn doono geeddi-socodka nabadda. waxaana aaskiisa ka qeyb galay 200,000 oo falastiiniyiin ah., waxana dharaartaasi ay noqotay mid kamid ah maalmaha ugu adag shacabka falastiin, maaddaama uu ka baxay hoggaamiye aragti dheer oo baal dahab ah uga jiray gulufka ay isaga xoreynayaan Israa’iil.
haddaba aynu dib u milicsano qoyska uu ka yimid iyo halgalnkii uu sheekh axmed usoo maray aas aaska xamaas, mid ka mid ah ururada ugu mayalka adag bariga dhexe iyo daanta galbeed.
Axmed, Aabihii Cabdullaahi Yaasiin, wuxuu dhintay isagoo saddex jir ah, waagaas kadib waxa xaafaddii uu degganaa loogu yaqaanay Axmed Sacda oo ah magaca hooyadiis, Sacda al-Habeel, kaas oo loogu yeedhi jiray sababo la xiriira inuu abiihii dhintay, kaalintii aabana ay hoyadiis buuxisay.
Shekh axmed waxaa la dhashay afar wiil iyo laba gabdhood. Isaga iyo qoyskiisa oo dhan waxay u qaxeen Gaza, gaar ahaan xerada al-Shati ka dib markii tuuladiisii ay qabsadeen Ciidamada Israel intii lagu jiray Dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948 dii.
Sanadkii 1958 kii ayuu dhammaystay waxbarashadiisii dugsiga sare, isagoo bilaabay shaqo macalinimo ahayd, labaatan jir markii uu gaaray ayuu ka qayb qaatay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday duulaankii saddex geesoodka ahaa ee lagu qaaday Masar sanadkii 1956kii, waxaana beryahaas soo baxday codkarnimadiisii iyadoo dhallinayrada iyo dadkoo dhamba ay u soo joogsan jireen khudbadihiisii soo jiidashada badnaa taasoo keentay inay dabagalaan nabadsugiddii Masar ee waagaa ka talin jirtay gacanka Qasa.
Sanadkii 1965 kii ayay xabsiga u taxaabeen nabadsugida Masar iyagoo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Ikhwaanulmuslimiinka ,wuxuna xabsiga ku jiray keliya muddo bil ah.
Sanadkii 1967 kii markii ay Israa’iil wada qabsatay dhulka Falastiin oo gacanka Qasa ku jiro, ayuu bilaabay inuu ku guubaabiyo dadka khudbadihiisii dhiirigalinta ahaa ee uu kaga soo horjeeday gumaysiga Israa’iil ee dhulkoodii boobay, wuxuuna ururin jirey kaalmooyin la siiyo qoysaska laga shahiiday iyo kuwa laga xiran yahay isagoo markii dambe madax ka noqday kulanka Islaamka ee gacanka Qasa.
Dhaqdhaqaaqyadiisaasi waxay ka cadhaysiiyeen Israa’iil, taasoo keentay in sanadku markuu ahaa 1982 kii la xidho, laguna xukumo 13 sano oo xadhig adag ah, hase yeeshee 1985 kii ayaa lagu sii daayay kadib iswaydaarsi maxaabiis oo dhexmaray Israa’iil iyo Jabhadda Shacbiga Xoraynta Falastiin “
Sanadkii 1987 kii ayuu Sh. Axmed Yaasiin kula heshiiyay koox ka mid hoggaamiyayaasha Islaamiga ah ee leh fikirka Ururka Ikhwaanulmuslimiinta aasaasidda urur Islaami ah oo la dagaalama Israa’iil, ururkaas oo loo bixiyay “Dhaqdhaqaaqa Iskacaabinta Islaamiga ah” oo marka la soo gaabiyo loogu yeedho “Xamaas”.
Wuxuu qayb laxaad leh ka qaatay kacdoonkii waqtigaas ka bilawday degaanada Falastiiniyiinta, kacdoonadaas oo loogu magac daray kacdoonkii Masaajidka, laga soo bilaaba waqtigaana waxa uu noqday Aabaha Ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqaas., waxeyna kooxdu noqotay mid soo hoysa guulo la taaban karo,,
Su’aalaha is weydiinta mudan ayaa ah Yaa kala qeyb qaatay aas aaska Xamaas ?
Dhaqdhaqaaqa ayaa markii hore ka koobnaa ku dhowaad 10 aasaase oo uu hormuud u ahaa shahiid Axmed Yaasiin, ka dibna waxaa la dhisay guddiyo dhowr ah oo hoggaamineed oo loo qeybiyay dhinacyada siyaasadda, ciidamada, amniga iyo warbaahinta.
Madaxda ururka waxaa ka mid ahaa kuwii shahiiday sida Sheekh Axmed Yaasiin, Yaxye Ayyash, Ismaaciil Abuu Shanab, C/casiis Al-Rantisii, Saciid Siyam, ismaaciil Haniya.
Xamaas waxay leeyihiin hay’ado hoggaamineed oo badan kuwaas oo qabta hawlo siyaasadeed, ciidan iyo bulsho oo kala duwan, siyaasadda guud waxaa dejiya hay’ad wada tashi ah oo inta badan loo yaqaan xafiiska siyaasadda oo ka shaqeysa dibadda.
Waxaana jirta in guddiyada maxalliga ah aya maamulan arrimaha asaasiga ah ee Gaza iyo Daanta Galbeed.
Khaled Meshcal waxa uu qabtay xilka madaxtinimo ee xafiiska siyaasadda Xamaas sannadkii 1996-kii xilligaa oo uu xirnaa sheikh Axmed Yaasiin, waxaanu sii waday xilkiisa ka dib dilkii shahiid Sheekh Axmed Yaasiin 23-kii March 2004-tii.
Yaxya Sinwaar ayaa ahaa madaxa siyaasada 6 August 2024 ilaa uu ku shahiiday dagaal ka dhacay Gaza 16 October 2024, wuxuu bedelay hogaamiyihii shahiiday ee Ismaciil Haniya, Ismaaciil waxaa lagu dilay Tehran 31 July 2024 , Sinwaar ayaa ka howlgalayey magaalada Gaza isagoo sidoo kale ah madaxa Xamaar ee Gaza.
Hogaamiyayaasha Xamaas waxa ay saldhig ka dhigteen Qatar ka dib markii ay isku dhaceen martigeliyahoodii hore ee Suuriya markii qaxootiga Falastiiniyiinta ay ka qayb qaateen kacdoonkii 2011 ee sababay dagaalkii sokeeye ee Suuriya.
Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas ayaa lagu soo waramayaa inay ka howlgalaan xafiisyada kooxda ee Turkiga.
Waxa uu ka mid ahaa in ka badan kun maxbuus falastiiniyiin ah oo la sii daayay 2011-kii oo lagu beddelay askari Israa’iili ah oo ay haysteen Xamaas, laga soo bilaabo Juun 2021 ra’iisul wasaaraha dhabta ah ee maamulka xamaas ee Gaza waa Issam al-Da’alis.
Marwan Issa iyo Mohammed Deif oo Israil sheegtay in ay duqeyn ku dishay 13 July 2024 ayaa ka talinayey garabka militariga ee Xamaas, guutada Izz ad-Din al-Qassam, lama hubo dilka Deif.
Sidoo kale ciidamada Israel ayaa ku dilay Salah Shehadeh weerar dhanka cirka ah sanadkii 2002-dii, 15 qof oo rayid ah ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, Salah Shehadeh ayaa ahaa hogaamiyihii garabka militeriga 1996 – 2002.
Xilligan .Abu Cubeyda oo ah raga laf dhabarta u ah ururka ayaa ku magacaaban afhayeenka guutada al-Qassam oo ah garabka millatari ee ururka Xamaas.
Si Kastaba dilalkii iyo shirqooladii kala duwanaa ee lagu dilay aas aasayaashii ururukan, ayaa sida la rumeysan yahay wax badan u dhimin jiritaanka iyo quwada Xamaas, waxaana marba marka ka danbeysay kordheysa awoodooda milatari iyo tan siyaasadeed,, waxaana socda qorshe uu mareykanku ku aqoosanayo dowladda falastiin, taaas oo ku timid dadaalka joogtada ah ee ay wadaan xubnaha ururkan.