Thursday, September 11

Cabqariga weyn ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka bisha August 2022 ku geeriyooday magaalada Hargeysa, magaalo madaxda Somaliland. 

Geeridu waa xanuun laakin waa ay kala xanuun badan tahay, abwaanku wuxuu ummadda Soomaaliyeed uga tagay dhaxal weyn oo jiil walba ay ka faa’idaysan karaan.

Hadraawi wuxuu ahaa aqoonyahan, abwaan iyo qoraa sare. Waxaa Ilaah mahaddii ah abwaanka inuu qoray waxii xikmad ahaa ee uu hayey taas oo maanta dadka Soomaaliyeed u ah dhaxal ay wada leeyihiin oo ay faani faani karaan.

Abwaan Hadraawi waxuu ka mid kamid ahaa tiirarka fanka Soomaalida, waxa uuna abwaanka ku caan baxay curinta Heesaha iyo Gabayada.

Taariikhda abwaan Hadraawi oo kooban

Abwaan Hadraawi wuxuu ku dhashay magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco abaarihii sanadkii 1943-kii, waxa uu ka dhashay qoys ka koobnaa 9 carruur (Siddeed wiil iyo iyo gabar). Abwaanka isaga oo 10 jir ah ayuu aaday dalka Yemen isagoo waqtigaa laga billaabo la nolaa adeerkii oo deganaa magaalada Cadan. Halkaas ayuu ka galay dugsi, iyadoo magaca uu ku caan baxay ee Hadraawi uu halkaa uga baxay. Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in magaca uu asal ahaan ahaa (Abuu Hadra) oo uu macallinkii dugsiga u bixiyay, maadaama uu ahaa nin ardayda aad ugu sheekeeya misana ka qoslisiiya. 

Marki uu dugsiga ka baxay, waxaa uu macallin ka noqday mid ka mid ah dugsiyada hoose ee dalkaYemen. Abwaan Hadwaari waxaa uu  waxbarashadiisa aasaasiga ah ku soo dhamaystay magaaladda Cadan, dugsigiisa sarana waxaa uu ku soo qaatay Dugsigii Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony’s High School.) mudadii u dhexaysey1956-1964.

Kusoo noqoshadiisii Soomaaliya

Marki ay Soomaaliya xornimada qaadatay, gobollada waqooyi iyo koofurna ay midoobeen, Hadraawi, waxaa uu isaga soo tagay dalka Yaman isagoo dib ugu soo laabtay dalkiisa hooyo gaar ahaan magaala madaxda Muqdisho oo uu ka billabay noloshiisa cusub. Hadraawi waxaa uu ka mid ahaa dadka Soomaalida ah ee mar walba jeclaa in ay waddankooda ku noolaadaan kana qaybgalaan dib u dhiskiisa. Abwaanku wuxuu ku biiray jaamacadda Umadda si uu aqoontiisa u sii wato. Markii uu ka qalin jebiyayna isla Jaamacadda ayuu bare sare ka noqday, isagoo isla markaana shaqo ka helay Wasaaradda Warfaafinta iyo Radio Muqdisho isagoo aqoontiisa ugu faa’idaynaayey Jaamacadda iyo Wasaaradda.

Hadraawi oo noqday gabyaa iyo heeso curiye caan ka ah bulshada dhexdeeda wuxuu hogal tusaalayn jiray ummadda Somaaliyeed asagoo ku gaarsiin jiray fariintiisa curinta heesaha, gabayada iyo riwaayadaha. Abwaanka marna kama been sheegi jirin wadciga uu mar walba uu ku sugan yahay waddanka.  Sidaas darteed abwaanka marar badan wuxuu ku mutaystay xarig uu kala kulmi jiray maamulki militariga ahaa ee uu majaraha u hayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre

Abwaanku wuxuu ahaa geesi aan la gamban shacuurtiisa asagoo ka dan-qanayay dhibaatooyinka ay shacabka kala kulmaan taliskii kali-talisnimada ku dhisnaa, wuxuuna saadaalin jiray mar walba Soomaaliya waxa ay ku dambeyn doonto haddii aan laga baddalin sida ay markaasi ku sugneed. Runtii wuxuu ka digaayey waa tan maanta ay Soomaaliya la daalaa-dhacayso. 

Heesaha iyo gabayada hogol tusaaleynta lahaa ee uu abwaanka tirin jiray waxaa dhibsaday taliskii maamulka dalka hayey xiligaas, waxayna taasi sababtay in xabsiga loo taxaabo, waxaana lagu xeray magaalada Qansax Dheere oo ah magaalo 90km dhanka koofur galbeed ka jirta magaalo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo, wuxuuna xabisaga ku jiray 5 sano laga soo billaabo 1973 ilaa 1978.

Hadraawi marki uu xabsiga kasoo baxay wuxuu kamid noqday maamulka Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. 

Markii uu u adkeysan waayey xukunkii kacaanka kana danqaday cadaadiska la saaray ummadda ayuu abwaanka 1-dii May 1982-kii ku biiray Jabhadahii ka soo horjeestay taliska gaar ahaan ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee la odhan jirey SNM (Somali National Movement). Wuxuu halkaas ka galay halgan siyaasadeed, suugaaneed, wadaniyadeed iyo mid xoriyadeedba. 

Markii waddanka laga saaray xukunkii militariga ahaa oo ay guuleysteen jabhadahii dagaalamay, abwaanka wuxuu galay halgan kale oo nabad, caddaalad iyo midnimo doon ah.

Xilliyadi billiwga burburka iyo dagaladii sokeeye, Hadraawi wuxuu aaday Ingiriiska isagoo kaddibna safaro kuso maray inta badan waddamada Yurub iyo Maraykanka, wuxuuna ka qayb galay xaflado faneedyo badan oo lagu dhigay waddamadaas.

1999 ayuu Hadraawi ku laabtay Hargaysa ileyn waddani kuma noolaan karo’ e dal shisheeye’e, waayo mar walba waxa uu doonayay in uu ka qayb galo wacyigelinta ummadda. 

Hal-abuurka Abwaan Xadraawi uu ka tagay:

Kartidiisa Hal-abuurnimo markii ugu horeysey ee uu soo shaac baxo, waxay ahayd intii aanu Cadan ka soo tegin. 1966-kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday “Hadimo” hase yeeshee wuxuu si fiican ugu doob dillaacsaday, maansadiisuna caan baxday markii uu u soo wareegey Soomaaliya. Gaar ahaan, intii ku sinayd 1970-nadii. Wakhtigaas oo ay soo shaac baxeen heesaha tirada badan ee aadka looga helay soona jiitey dhegaha dadka Somaliyeed, kiciyeyna dareenka dadka. 

Wuxu noqday nin suugaantiisu si gaar ah u taabato dadka dhegahooda, muranna ka dhex dhalisa dadka dhexdooda si gooni ahna loo dhadhansado, had iyo jeerna laga soo daayo idaacadaha heesihiisa iyo maansooyinkiisa ayna ka heleen bahda warfaafinta.

Heesaha ugu caansan ee lagu xasuusto Hadraawi waxaa kamid ah oo aan kusoo koobeynaa: 

  • Beledwayn oo uu qaaday fannaanka weyn Xasan Aadan Samatar. 
  • Hooyo oo uu qaaday allaha u naxariistee fannaanki lagu magacaabay boqorka codka Maxamed Saleebaan Tubeec.
  • Jacayl Dhiig Malagu Qoray oo ay qaadday allaha u naxariistee boqoraddi codka Xaliima Khaliif Cumar Magool. 
  • Suleekha oo uu qaaday allaha u naxariistee fannaankii Maxamed Nuur Giriig. 

Gabayadiisana waxaa kamid ahaa: 

Gudgude, Daalallay, Daba-huwan oo ah gabay aad u dheer kana kooban ilaa 803 tuduc ama bayt. 

Abwaanka wuxuu ka qaybgalay “Silsiladdi Sinlay” oo ay ka qayb galeen abwaano tiro badan oo Soomaaliyeed. Abwaanku wuxuu hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday ee “Deelley” kana hergashay dalka horraantii sanadkii 1980 iyo kuwo kale oo halkaan aan lagu soo koobi karin.

Riwaayadahiisa ugu caansanaa waxaa laga soo qaadan karaa riwaayadii “Aqoon iyo Af-garad” oo ay ku jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Riwaayadii “Tawaawac” ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen “Hal La Qalay iyo Ceel Wal-waaleed”.

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi sanadki 2012 wuxu ku guulaystay abaalmarinta Prince Claus Fund oo uu ku mutaystay gabayada iyo heesaha wax tarka u leh bulshada ee uu sameeyay.

Hadraawi

Noole walba wuxuu leeyahay xilli go’an oo waqtigiisa ku dhammaado si kasta oo loo jecel yahay, maanta ayuuna abwaanka ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. Waxan EEBE (SW) uga baryeynaa in uu qabriga u waasiciyo, Janatul Fardawsana ka waraabiyo. 

Abwaanku wuxuu ka baxay ummadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogto, sidaasi daraadeed EEBE (SW) waxaan ka codsanaynaa inuu Samir iyo iimaan naga siiyo dhamaanteen.

Exit mobile version