Monday, February 2

Xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Awdal ee xubnaha ka ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uga digay in uu colaad horleh u abaabulo Bulshada ay metalaan.

Xildhibaannadaan ayaa sheegay in Dadka Awdal ay la dhibaataysan yihiin waxyeellada kasoo gaartay awood muquuninta Xukuumadda Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegay in ay heleen xogo muujinaya in awood militari oo dheeraad ah uu Madaxweyne Cirro u adeegsanayo Gobolkaas.

Abiib ayaa ka digay dhibaatooyinka ka imaan kara awood sheegashadaas maadaama aanay dadku lagu qasbi Karin wax aysan rabin, waxa uu ku baaqay in si wadajir ah meel fog looga istaago tallaabadaas sida uu hadalka u dhigay.

Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa damacsan in ay Gobolka Awdal ka fuliso howlgallo culus oo ka dhan ah Dadka kacdoonka ka wada Gobolkaas, waxaa weli u xiran Tiro dad ah, halka Magaalooyinka qaar ay ka muuqdaan raadadka colaadda ka dhashay.

Exit mobile version