Monday, February 2

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa xaqiijinaya in maanta ay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas ka dhoofeen shaqaale badan oo ajaanib ah, kuwaas oo u badnaa muwaadiniin ka soo jeeda dalka Colombia.

Shaqaalahan oo muddo ka howlgalayay Dekadda magaalada Boosaaso, ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen howlwadeennada Imaaradka Carabta ee uu saameeyay go’aanka Dowladda Federaalka.

Baxitaankooda ayaa qayb ka ah qorshe dowladda Imaaraadku dalka Soomaaliya ugala baxayso shaqaalaheeda iyo diblomaasiyiinteeda.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u burisay heshiisyadii dhinacyada Amniga, Difaaca, iyo Horumarinta ee ay hore ula gashay dalka Imaaraadka Carabta.

Weli Dowlad goboleedka Puntland kama hadlin qorshaha bixitaan shaqaalahihii Imaaradka Carabta ee ku sugnaa magaalada Boosaaso.

Exit mobile version