Monday, February 2

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA, ku dhawaad 100 maxbuus oo laga hayay Kooxda Daacish ayaa ka baxsatay xabsi ku yaalla Magaalada Al-Shadaadi ee dhacda Waqooyi Bari dalkaas kaddib markii ay isku dhaceen ciidanka Dowladda iyo xoogagga Dimuqraadiga ee SDF.

Bandoow ayaa la geliyay Magaaladaan oo la sheegay in ay isku hareereeyeen ciidamada ammaanka Suuriya oo markii hore u diyaarsanaa in ay la wareegaan Xabsiyada ay ku xiran yihiin Xubnaha Daacish katirsan ee halkaas lagu hayay sida ay sheegeen ilo wareedyo macluumaad kooban la wadaagay Warbaahinta.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Suuriya ayaa ku hanjabay in ay gacanta kusoo dhigi doonnaan Maxaabiista baxsatay oo muddo dheer lagu hayay Xabsiyada, waxaana ay muujiyeen tuhun ay ka qabaan in albaabada loo furay si loo dhaawaco qodobo kamid ah heshiiska ay wadeen Madaxweynaha Dalkaas iyo hoggaamiyaha kooxda SDF.

Sarkaal sare oo katirsan ciidamada Suuriya ayaa Teleefishinka Aljazeera u sheegay in ay si buuxda u qabsadeen Magaalada Al-Shadaadi balse ay raadinayaan maxaabiista baxsatay, waxa uu wadarta dadka la baadigoobayo ku sheegay in ay tahay 81 kamid ah 120 ruux oo horay ugu xirnaa xabsiyada ay haatan maamulaan ciidanka Dowladda.

Exit mobile version