Dhowr dal oo ay ku jiraan Barbados, Bahamas, Ireland, Jamaica, Norway, Spain, iyo Trinidad iyo Tobago, ayaa ku dhawaaqay in ay aqoonsan doonaan Falastiin.
Sidoo kale Baarlamaanka federaalka dalka Australia ayaa u codeeyay in Falastiin loo aqoonsado dal madax banaan. Australia ayaa qeyb ka ah 143 wadan oo u codeeyay in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, taas oo aad uga careysiisay Israa’iil.
Geeska kale Xilli uu xoogeysanayo xasuuqa Israa’iil ay ka wado Gaza, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadkay Madaxweyne Erdogan, kaas oo fariin u diray Dalalka Caalamka ee Islaamka, kuwaasoo uu uga baaqay in ay heeryada iska rogaan, isla markaana ay u duubtaan sidii Falastiin loo difaaci lahaa, wuxuuna arrin aad u xun ku tilmaamay in dhibaatadan lagu eegto dadka reer Falastiin.
Sidoo kale Dibadbaxayaal careysan oo u dhashay Mexico ayaa dab qabad siiyey safaarada Israa’iil ee dalkaasi, waxaana dibadbaxayaashu ay muujinayeen dareenoooda ku aaddan sida ay uga xun yihiin xasuuqa ay Israa’iil ka wado Gaza, waana arrin ku soo beegmeysa xilli ay dawladda Mexico, sheegtay inay ku biireyso dacwada ka dhanka ah Israa’iil ee ay gudbisay Koonfur Afrika.
Dhanka kale Xasuuqa Israa’iil ay ka wado Rafah ayaa u muuqda mid soo de dejin kara in cunno qabateyn lagu soo rogo Israa’iil, waxaana arrintaas ay si rasmi ah u hirgaleysaa haddii Israa’iil ay ku adkeysato in ay u hoggaansami weydo go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), waxaa arrintan kulan ka yeeshay Midawga Yurub, sida uu warbaahinta u sheegay, wasiirka arrimaha dibadda Ireland, Michael Martin, oo ka mid ah madaxda reer Yurub ee qorshahan horboodaya.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Israel Katz ayaa u hanjabay Ra’iisul wasaaraha Spain, kaddib markii Spain ay ku guuleysatay ololaha Yurub ee aqoonsiga Falastiin, wuxuuna xusay in Spain iyo dalalka kale ee Yurub ay u aqoonsan doonaan kuwo ka soo horjeedo Israa’iil, isla markaana qeyb ka ah denbiyada iyo dhibaatada lagu hayo Israa’iil.
Isku soo duub xasuuqa ay Israa’iil ka wado Rafah ayaa sii kordhaya, waxeyna isku dayayaan in ay dhagaha ka fureystaan baaqyada Caalamiga ah ee loo jeedinayo.