Wafdigan oo uu hoggaainayey James Swan, ayaa halkaasi u tagay xalinta khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland oo xilligan maraya heerkii ugu hooseeyey.
Swan ayaa iminka xooggiisa isugu geynaya sidii uu khilaafkaasi u qaboojin lahaa, isla markaana uu dhinacyada isugu soo dhaweyn lahaa.
Deni oo uu la kulmay ayuu kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin amniga, siyaasadda iyo sidii looga shaqeyn lahaa horumarka masiirka shacabka Soomaaliyeed.
Ilo Xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Saciid Deni uu diyaar u yahay in la xaliyo khilaafka, waxaase wax badan ka socon la’ yihiin Madaxtooyada oo weli aan diyaar u ahayn in ay qaabisho Deni.
Safarada badan ee Madaxweynaha iyo mashquulka howlo kale ayaa dhowr mar dib u dhac u keenay kulamo la filayey in dhinacyadu yeeshaan, waxaase la ogayn natiijada ka soo bixi doonta dadaalka uu wado xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.