Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in 25 Maxaabiis oo lagu qabtay dagaalka Somaliland iyo SSC Khaatumo la is dhaafsan doono, tillaabadaasina ay fududeyn doonto Dowladda Federaalka.
Hadalkan oo lagu xusay Warmurtiyeed Xafiiska uu ka soo saaray safarkii dhawaan Ra’iisul wasaare Xamse ku tagey magaalada Laascaanood.
“Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Wasaaraha Xukuumadda JFS, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo 00 la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri Qoraalka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka soo baxay.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya dadkaasi dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba.