Donald Trump Madaxweynihi hore ee Mareykanka, ayaa dib ugu soo laabtay ololaha doorashada, kadib isku deygii dil ee ka dhacay gobolka Pennslvania, halkaas oo uu khudbad ugu jeedinayey taageerayaashiisa.
Hal Toddobaad ayey Trump ku qaadatay in dhaawacaasi ka soo bogsoodo, waxana Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada bisha November uu dib u billaabay ololahiisa doorashada.
Trump ayaa ololaha ka billaabay gobolka Michigan oo ka mid ah gobollada muhiimka u ah doorashooyinka Mareykanka, waxaana xusid mudan in D.J Vanve uu ku wehlinayey ololaha, maadaama uu u xushay inuu noqdo madaxweyne ku xigeen, haddii uu Trump soo baxo.
13-kii Bishii hore ayey ahayd markii wiil hubeysan uu isku dayey inuu khaarajiyey Trump, waxaana weerarkaasi ku dhintay hal qof, halka saddex kale oo uu ku jiray Donald Trump ay ku dhaawacmeen, waxaana isla goobta lagu dilay ninkii weerarka soo qaaday, waxeyna noqotay arrin dunida gilgishay, si aadna loo canbaareeyey.