Siyaasiyiinta Soomaaliyeeed kuwooda ka soo horjeedo Itoobiya ayaa waqtigan kuwa Itoobiya taageersan ku tilmaamaya Khaa’inul wadan, qiyaameynaya shacabka Soomaaliyeed.
Sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Bashiir Macallin Cali oo ka hadlay taageeradii gobolka Bakool looga muujiyey damaca guracan ee dowladda Itoobiya uga jira badda Soomaaliya, ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid ay dabada ka riixayaa hoggaanka Koonfur Galbeed.
Agaasimaha ayaa sidoo kale kuwa dalkooda qiyaameynaya ku tilmaamay Xildhibaanada ku jira Barlamanka Soomaaliya ee taageerada u muujiyey dowladda itoobiya.
Agaasime Bashiir ayaa ugu baaqay guddoonka labada Aqal ee BFS in Xildhibaannada maanta taageeray Itoobiya inay mariyaan xeer-hoosaad-ka, kana qaadaan xassanadda ay ku ganbanayaan jawaasiista Itoobiya, si loo hor-geeyo sharciga.
Hoggaanka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa markan ugu cad cad, siyaasiyiinta ku sifawday hagardaamada umadda Soomaaliyeed, wuxuuna dabada ka riixayaa dibadbaxyada lagu taageerayo Itoobiya, taas oo bidhaamineysa heerka ay la egtahay taageerada uu u hayo Itoobiya.