Shirka Wadashiga ayaa ku soo gebagaboobay magaalada Muqdisho, waxaana kulankan ka soo qeyb galay madaxda dalka iyo kuwii hore.
Shirka oo socday labbo casho, ayaa waxaa si gaar ah loogu lafa guray arrimo masiiri ah oo ay ka mid yihiin go’aankii ay gaareen gollaha wadatashiga qaran ee saameynayey arrimaha doorashooyinka.
Siyaasiyiintii kulanka ka soo qeyb gashay ayaa soo jeediyey aragtiyo kala duwan, kuwaas oo sida la sheegay mudan in la tixgaliyo.
Madasha ayaa guul ku tilmaantay, wajigii hore ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, iyagoo ku baaqay in loo midoobo dabar jarka kooxdaasi argagixisada ah.
Madaxdii kulanka goobjooga ka ahayd ayaa dareen ka muujiyey ka maqnaashaha Puntland ee ka maqnaanta arrimaha masiiriga ah, iyagoo ku baaqay in Puntland ay soo xaadirto.
Shirkan ayaa waxaa xigi doono kuwa kale oo ceynkan oo kala ah, sida ay lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.