Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay shirka madasha qaran ee ilaalinta badqabka rayidka, waxaana shirkani ka soo qeyb galay xubno ka socday maamul goboleedyada dalka iyo safiiro ka tirsan kuwa Caalamka u fadhiya Soomaaliya.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska ergayga gaarka ah ee xasilinta iyo badqabka arrimaha rayidka Soomaaliya ayaa diirada lagu saaray sida ugu muhiimsan ee loo ilaalin nolosha dadka ku sugan goobihii dhawaan laga saaray Al Shabaab iyo sidoo kale goobaha ay dhawaan ka baxayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS.
Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha xasilinta iyo badqabka rayidka Xildhibaan Cumar Xaashi ayaa ugu horeyn faah faahiyey u jeedada shirkan oo uu ku sifeeyey mid aad loogu baanaa waxana uu xusay inuu socon doono labbo casho.
Sidoo kale wasiirka wasaarada arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdulaahi xaaji ayaa madasha ka sheegay inuu soo dhaweynayo shirkan oo sida uu xusay leh ahmiyad aad u ballaaran.
Ugu danbeyntii Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Xakiin Xasan Ashkir ayaa carabka ku dhuftay in shirkan uu ku soo aaday waqti muhiim ah, wuxuuna dhanka kale xusay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso badqabka dadka rayidka ah