Gudaha Magaalada muqdisho waxaa si rasmi ah uga furmay shirka Caafimaadka ee Tiknoolajiyada Casriga ah ee Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo labo casho ah.
Shirkan ayaa diiradda saaraya horumarinta iyo isku xirka adeegyada caafimaadka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah, si loo helo nidaam caafimaad oo ka jawaaba baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Labaad Dowladda Federaalka Soomaaliya Abdisalam Abdi Ali Dhaay oo munaasabada goob joog ka ahaa ayaa halkaasi ka sheegay inuu horumar sameynayo adeega caafimaadka ee dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dowladda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay in lala jaanqaado isbeddelka dhanka tiknoolajiyada ee caafimaadka, taas oo sida uu xusay sare u qaadeysa tayada caafimaadka dalka.
Cabdisalaan Cabdi Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka ayaa ugu danbeyntii xubnaha shirka ka qeyb galaya ku booriyey howsha ay wadaan, isagoo ka dalbaday in ay soo saaraan xal waara oo mustaqbalka baaqi u noqon kara jiilasha danbe.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay bahda caafimaadka, waxaana la filayaa inuu xoojiyo nidaamyada dhanka caafimaad ee Soomaaliya.