Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo shirka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in shirkan uu ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay, wuxuuna tilmaamay inuu rajeynayo in ay ka soo baxaan arrimo wax ku ool ah.
Sidoo kale Sheekh Cabdulqaadir Baqdaadi ayaa shirka ka sheegay in bulshada ay waayi doonto cid hoggaamisa haddii aanay culumada midoobin, wuxuuna soo jeediyey in culumada Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan.
Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo madasha ka hadlay ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in la mideeyo culumada Soomaaliyeed, kuwaas oo sida uu sheegay ah udub dhexaadka Bulshada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay shirka ka hadlay ayaa culumada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadka u noqdaan hogaan lagu daysado, taas oo sida uu xusay ku imaan karta midnimo oo qura.
Shirweynaha waxaa xubnihii shalay ka hadlay ka mid ahaa, oo dhinacyadana isku soo dhaweynaya Safiirka Ururka iskaashiga Islaamka Danjire Maxamed Banba iyo Safiir ku-xigeenka Boqortooyada Sucuudiga Danjire Maxamed Al-Budeyr, kuwaas oo soo hadal qaaday muhiimada ay midnimada leedahay, iyagoo ku baaqay in midnimada culumada la xoojiyo.
Si Katabada Shir-weynaha 2-aad ee Culumaa’udiinka Soomaalida ee shalay furmay oo looga hadlay xoojinta midnimada Culumada ayaa ku soo beegmaya, xilli maalmihii ugu dambeeyaay uu khilaaf ba,ani ka dhaxeeyay dariiqooyin ka tirsan culumada kuwaasoo Baraha bulshada isku marinayey eedo iyo dhaleecayn iyadoo dhinac walba uu kan kale ku tilmaamayay in aanay ku taagneen wadiiqada saxda ah ee shareecada islaamka waxana qolo kastaahi ay soo xiganayeen Aayado iyo Axaadiis ay isku naqdinayaan, iyadoo arrintaasina ay soo billaabatay wixii ka dambeeyay aaskii Sheekh Cismaan Xidig oo wadaad ka tirsan dhinacyada iminka is haya uu duray qaar ka mida Kitaabadii uu qoray Sheekha, halka Jamaacada Sheekhana ay arrintaasi ka dhiidhiyeen jawaabo kuluna ay ka bixiyeen.