Gudaha magaalada Muqdisho waxaa toddobaadkan gudihiisa ka dhacay shilal aad u fara badan, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilalkan gaadiidka ayaa loo sababeynayaa ciriiri ka dhex jira gudaha magaalada, iyadoo dowladda hoose ay soo fasaxday gawaarida xamuulka ah, kuwaas oo ciriiri iyo saxmad ku kordhiya gudaha caasimada.
Waxaa sidoo kale loo sababeynayaa shilalkan soo kordhaya xirnaanshaha wadooyinka qaar, taas oo keeneysa in ay yaraadaan wadooyinkii ay isticmaali lahaayeen gaadiidka iyo mootooyinka loo yaqaano Bajaajta.
Shilalkan waxaa sidoo kale keena bur burka ka jira wadooyinka la isticmaalayo, iyadoo dhanka kale ay jiraan qibrad yari heysata darawalada gaadiidkan, kuwaas oo aan soo marin tijaabo lagu ogaanayo heerka ay gaarsiisan tahay xirfadooda darawalnimo.