Dowladda Shiinaha ayaa dowladda Soomaalya siisay dhaqaalle, kaas oo lagu taageerayo dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka El-nino.
Dowladda Shiinaha ayaa bixisay lacag dhan 1,000,000 oo dollar, taas oo gurmad dhab ah loogu fulinayo dadka xaaladda adag wajahaya ee ay daadadku waxyeeleeyeen.
Deeqda Shiinaha ayaa waxaa la wareegay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ee SODMA, taas oo dhawaan muujisay qeylo dhaan ballaaran.
Jawaabtan ayaa ka dhigan in Shiinaha uu noqday dalkii koowaad ee ka jawaaba, dhibaatooyinka bani’aadmnimo ee ka dhashay daadadka El-nino ee ku dhuftay Soomaaliya.