Waqtigan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah u xoojisay shuruudaha ay ku aqbali karto in Ciidanka Itoobiya ay qayb ka noqdaan howlgalka cusub AUSSOM ee lagu baddelayo kan kumeel-gaarka ah ee ATMIS oo iminka waqtigiisu uu sii dhamaanayo
Sida uu warbaahinta la wadaagay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa shuruudda ugu horreysa ee wadahadal ama codsi aqbalid suuragelin kara ka dhigay in marka hore Xukuumadda Abiy Ahmed ay burburisay is afgaradkii xadgudubku ku ahaa Dowladda Soomaaliya, taas oo sida muuqato ah arrin ku adag Itoobiya.
Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay u madaxbannaan tahay go’aanka la xiriira diidmada iyo aqbalaadda Dal weliba oo doonaya in uu qayb ka noqdo howlgalka AUSSOM ee ka duwanaan doonno kan ATMIS.
Fiqid ayaa yiri “Shardiga 1-aad marka ay ka soo baxaan, codsi inoo soo gudbistaan in aan aqbaleyno ama ka diideyno anaga ayay inoo taallaa, Dalalka kale ee Ciidamada ku deeqay dhammaan waxa ay ixtiraam u hayaan madaxbannaanida, wadajirka & midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” .
Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shuruudo kale hordhigeyso ku biirista Itoobiyaanka ee howlgalka cusub ee AUSSOM sida in ay codsi soo dirsato kaas oo ku cad in Xukuumadda Addis Ababa ixtiraameyso madaxbannaanida & wadajirka Soomaaliya.
Sida muuqata Itoobiya ayaa xilligan ka meer-meereysa in ay aqbasho shuruudda ugu horreysa ee ah in ay meesha ka saarto is afgaradkii ay shaacisay billowgii sanadkaan in ay la gashay Maamulka Somaliland waana tallaabo hoos u dhigeysa xiriirkii ka dhaxeeya Muqdisho & Addis Ababa.
Sida la wada ogyahay Waxaa hakad waqti dheer galay dedaalladii wadahadalka Turkiga ee lagu saldhigayay xiisadda ka dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa 1dii Bishaan Nofeembar mar kale ku celiyay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay hesho marin badeed.