Wasiirka ayaa tilmaamay in markii ugu horreysay ay dowladdu bilaabeyso qaadista canshuuraha iibka (Sales Tax), taas oo noqoneyso 5%, waana arrin ay walaac ka muujiyeen shacabka.
Wasiirka ayaa xusay in canshuurtan ay saameyneyso qof kasta oo wax ku iibsanayo habka Electroniga, gaar ahaan lacagaha taleefoonada EVC-ga-, eDahab-ka ama kuwa Walleta-ka, kaas oo ay ka go’i doonto boqolkiiba 5-canshuur ah.
Tallabaadan ayey dowladdu codsatay in ay kala shaqeeyaan shirkadaha isgaarsiinta iyo bankiyada, wuxuuna tilmaamay in ujeedku uu yahay kordhinta dakhliga dowladda usoo xarooda.
Arrintan ayaa walaac xooggan ku abuurtay shacabka Muqdisho, kuwaaas oo sheegaya in aanay qaadi karin canshuur ka badan tii hore, waxeyna xuseen in ilaa iminka aysan jirin wax loogu qabtay canshuurta laga qaado.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid abuuri karta dibadbax ballaaran, maddaama muwaadiniinta badankood ay ku nool yihiin daqada dhexe iyo tan hoose ee nolosha.