Shacabka Magaalada Boorama ayaa sheegay in ay diidan yihiin xiriir dhexmara Somaliland iyo Israa’iil waxaana ay tilmaameen in ay tallaab ka qaadi doonnaan cid weliba oo qaadata calanka Yuhuudda ee lagu dhex arko Magaaladaas.
Waxa ay si caro ku dheehan tahay uga falceliyeen heshiiska ay Israa’iil sheegtay in ay dadka Falastiiniyiinta ah ay u rarayso Deegaannada Maamulka Somaliland iyada oo arrintaas dhaafsanayso Ictiraaf sida hadalka loo dhigay.
Kacdoon ka dhan ah Somaliland ayaa ka socda deegaanno katirsan Maamulkaas, waxa ay hoggaanka dhallinyaradu sheegeen in ay diidan yihiin wax weliba oo suurad xumaynaya Soomaalinimada sida ay hadalka u dhigeen.
