Kooxda Newcastle ayaa la soo wareegtay xidigii khadka dhexe ee kooxda AC Milan Sandro Tonali, kaas oo ay in muddo ah daneyneysay.
Newcastle ayaa xidigan ku soo iibsatay adduun lacageed oo dhan €70m, taas oo Tonali ka dhigeysa xidig la iibsado oo reer Talyaani ah midkii ugu qaalisanaa.
Xidigan 23-jirka ah ayaa la filayaa inuu wax badan ku soo kordhiyo Kooxda Newcastle oo sanadkan ciyaareysa horyaalka qaarada yurub ee Champions League.
Sandro Tonali waa mid sidoo kale xoojin doona khadka dhexe ee Kooxda Newcastle oo xilli ciyaareedkii tagay wacdaro ka dhigtay horyaalka Ingiriiska.