Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta badan sahmintii shidaalka ee Turkigu uu Soomaaliya ka wadday ay soo gabagabowday, islamarkaana boqolkiiba 70 la ogaaday xogtii la raadinayay.
Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed VOA-da qeybta Soomaaliga la hadlay ayaa sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in dabayaaqada bisha April ee soo socata la soo gabagebeyn doono sahminta, ka dibna loo gudbi doono heerka labaad oo ah qodista.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan heshiis dhinaca shidaalka iyo macdanta ah ay dowladda la gashay dalka Azerbaijan, taas oo uu ku tilmaamay tillaabo hore loo qaaday.
Soomaali badan ayaa naawilaya in mar un la qodo shidaalka ku jira gudaha dalka, waxaana Soomaalida badankood ay arrintan ka muujinayaan rajo Wanaagsan, inkastoo aan la saadaalin karin maxsuulka ka soo bixi kara markii qodistiisa la guda galo.