Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Raaskambooni Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay Warbaahinta Hortabin Media u xaqiijiyeen illo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo.
Sida xogaha aan helnay ay sheegayaanTaliyaha Ciidanka Lugta, Saraakiil katirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo ciidanka gaarka u ah ilaalintiisa ayaa gaaray Magaaladaan Xeebta leh ee Raaskambooni oo maalmo kahor Ciidanka Federaalka la wareegeen.
RW ayaa marka uu tago Magaalada Raaskambooni waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Saraakiisha Gorgor & Kuwa Haramcad ee amniga Magaaladaan gacanta ku haya iyo xubno katirsan qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Socdaalka Xamsa waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo weli jirto xiisadda ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Jubbaland isla markaana saacadihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaq ciidan labada dhinac wadaan.
Xogaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu horay u qorsheeyay in uu safar ku tago Magaalada Kismaayo balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor istaagay si aanay uga sii darin xiisadda Federaalka & Dowlad-Goboleedkaas ka dhex jirta, balse safarkiisa waqtigan ayaa noqonaya mid muhiim ah oo laga baaqsan waayey, maaddaaa ay xiisadu cirka isku sii shareereyso