Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ah mid lagu difaacayo diinta iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka Khawaarijta”.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka,ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
TRENDING
- QM oo $10 milyan ugu yaboohday Soomaaliya
- Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga dhexe oo maanta ka furmay Muqdisho
- Saciid Deni oo daah furay kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland
- Qodobada ilaa iyo iminka ay ku heshiiyeen Iran iyo Mareykanka
- Maxaa ka dhalan kara safarka Cirro ee Israa’iil?
- Omar Artan: From Visa Denial to Hero’s Welcome in Mogadishu
- Koonfur Afrika oo soo saartay tallaabooyin looga hortagayo Muhaajiriinta
- Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta xiriirkooda
