Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ah mid lagu difaacayo diinta iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka Khawaarijta”.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka,ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
TRENDING
- Jawaabta Ruushka uu ka bixiyey Howlgalkii ay ku dhawaaqeen NATO oo sii durjineysa xiisada ka taagan bariga Yurub!
- Milatariga Israa’iil oo xoojiyey duqeymaha uu ka wado GAZA
- Howlgallo culus oo ka socda Degmada Ceeldheer
- Dowlad Deegaanka Soomaalida: Ardaydii ugu badneyd oo ku dhacday Imtixaanka Shahaadiga
- WARBIXIN: Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta oo sameysanaya Isbaheysi u dhigma NATO!!
- Renowned Elder Killed by Airstrike in Somalia
- New Defense Hub Launched in Mogadishu
- Bodies Found Following Battle in Central Somalia