Afhayeenka Madaxtooyadda Ruushka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in aan weli la go’aamin safarka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee dalka Turkiga, halkaas oo lagu wado in lagu qabto wadahadallo lala yeesho Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.
Peskov oo la hadlayay suxufiyiinta ayaa tilmaamay in Moscow ay shaacin doonto xubnaha wafdiga u matalaya wadaxaajoodka marka uu Madaxweyne Putin bixiyo amarka rasmiga ah.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo Moscow si ay u oggolaato wadahadallo toos ah oo lagu soo afjaro dagaalka saddex sano jirsaday ee ay kula jirto Ukraine.
Inkasta oo ay beesha caalamka horay u muujisay rabitaanka ku aaddan in xal la gaaro, hadana Moscow weli ma caddeyn mowqifkeeda ku aaddan in Putin si toos ah ula fariisan doono Zelenskyy.