Inta la ogyahay 3 qof ayaa ku geeriyootay lix kalana wey ku dhaawacmeen duqeymo culus oo ay ciidamada Ruushka ku bartilmaameedsadeen magaalada Kharkiv ee waqooyibari ee Ukraine.
Duqeynta oo si gaar ah uga dhacday degmada Lozova ee koofurta Kharkiv ayey boolisku sheegeen in ay ahayd mid aad u culus, waxaana weli socda gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.
Duqeyntan ayaa sidoo kale lagu burburiyay dhisme ay ku shaqeyso hey’ad NGO ah oo laga leeyahay dalka Switzerland, balse lama shaacin dad dhismahaasi wax ku noqday.
Si uu shaaciyey Duqa magaalada Kharkiv Ruushka ayaa xalay ilaa 5 duqeyn oo kale ka geystay qeybo ka mid ah Kharkiv iyo deegaannada ka agdhaw, wuxuuna muujiyey walaac hor leh.
Si Kastaba Kharkiv oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ayaa ka mid ah meelaha ay sida joogtada ah duqeymaha cirka la eeganayeen ciidamada Ruushka, tan iyo marki uu billowday dagaalka uu madaxweyne Putin ku qaadday Ukraine, bishii Febrayao ee sannadki 2022-ki.