Real Madrid ayaa caawa garoonkeeda Santiago Bernabeu ku soo dhawaynaysa kooxda Manchester City lugta hore ee semi-finalka Champions League, waana ciyaar soo celinaysa xusuusta riwaayadii xili ciyaareedkii hore ee labada kooxood.
Kulankan oo ah mid aad u adag, ayaa waxaa xusid mudan in Man city ay ku jirto waqti aad u fiican, iyadoo ku sii siqeysa hanashada horyaalka Ingiriiska ee Premier League.
Real Madrid oo aan shar yareyn, isla markaana taariikh wanaagsan ku leh kooban, ayaa iyaduna heysata xidigo fir fircoon, kuwaas oo u horseedi kara in ay kulankan Real Madrid gaarsiiyaan guul.
Tababaraha Man City Pep Guardiola oo lagu tiriyo macallimiinta waqtigan ugu qibrada badan Yurub, ayaa awooday inuu nasiiyo ciyaartoy muhiim ah, sida Bernardo Silva, John Stones, Jack Grealish, Ruben Dias, iyo Kyle Walker, ciyaartii ay 2-1 kaga badiyeen Leeds United.
Waxaa la filayaa in dhamaan xidigahan ay ka soo muuqdaan kulanka Caawa, iyadoo Walker ay u taallo shaqada ugu adag oo ah inuu joojiyo weerarka uga imanaya garabka Madrid ee Vinicius Jr.
Ugu danbeyntii kulankan oo caawa la wada sugayo ayaaa ah mid xiiso badan, wallow aan laga hor dhici karin kooxda ay guushu raaci doonto.