Xidiga xulka qaranka Brazil Thiago Silva ayaa laga yaabaa inuu ku kordhiyo sii joogistiisa Chelsea ugu yaraan hal sano, sababo la xiriira caddaadis xidiga kaga imaanaya wiilashiisa.
Xidigan 39-sano jirka ah ayuu dhawaan dhacayaa heshiiska uu Blues kula joogo, waxaana u hanqal taageysa koxda reer Brazil ee Fluminense oo isku dayeysa in ay mar kale ciyaaryahankeedii hore ku soo celiso South America.
Naadiga heysta horyaalka Copa Libertadores ayaa si cad u muujisay xiisaha ay xidigan u qabaan, waana kuwo doonaya in ay helaan bisha January, marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Thiago oo hore u diiday Inuu Brazil kula bahoobo kooxdiisii hore ee Fluminense, ayaa ka dhawaajiyey ama qirtay in arrintaasi sababteeda ay leeyihiin wiilashiisa da Silva iyo Iago da Silva, kuwaas oo ku faraxsan nolosha Galbeedka London, iyagoo ka tirsan da’yarta kooxda Blues.
Si kastaba ha ahaatee, Silva ayaa jeclaan lahaa inuu xirfaddiisa ku soo gabagabeeyo Brazil, balse caddaadiska wiilashiisa uga imaanaya ayaa xaaladda mustaqbalkiisa sii cakireysa, sida ay warbaahinta caalamku qoryaan.
Madaxwaynaha Fluminense Mario Bittencourt ma uusan qarin xiisaha uu u qabo, Thiago Silva isagoo yiri: “Waxaan sii wadayaa rabitaankan aan ku keenayo isaga. Ciyaaryahankan cajiibka ah wuxuu leeyahay, qaab ciyaareed sare iyo hibo dhanka kubadda ah, waana ku kalsoonahay in waaya aragan uu mar kale u ciyaari doono Fluminense.”
Kooxda Fluminense ayaa dooneysa in Thiago uu ka soo muuqdo kulanka finalka Recopa Sudamericana ee dhacaya Febraayo, halkaas oo ay ku weheliyaan saaxiibadii mudada dheer kooxda joogay iyo daafiicii jaalka kula ahaa Brazil ee Marcelo.
Thiago Silva ayaa haddii uu Chelsea heshiiska u kordhiyo noqon doono kaliya ciyaartoygii shanaad taariikhda Premier League ka ciyaara isagoo 40-jir ah, wuxuna kulankii ugu danbeeyey ee City noqday ciyaaryahankii 4-aad ee Premier League gool dhaliya, isagoo da’da 39-40 jira.
Weli wuxuu daafacan mudada dheer kubadda cagta ku soo jiray uu muhiim ka yahay qolka labiska kooxda uu leyliyo Macallin Mauricio Pochettino, inkastoo uu ka xayuubiyey xilkii Kaptan-nimo, ka hor xilli ciyaareedka 2023/24, haddana wuxuu Pochettino ku andacooday in Thiago ay ka timid arrintaasi, isla markaan aanu diyaar u ahayn inuu qaado masuuliyada kabtanimo.