Qiimaha cryptocurrency-ka adduunka ugu weyn waxaa sare u qaaday rajada laga qabo in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu qaadan doono siyaasadaha saaxiibtinimada ah ee loo yaqaan ‘crypto-friendly’.
Sarakac weyn ayaa la dareemay saacado kadib markii Trump uu sheegay inuu u magacaabi doono gudoomiyihii hore ee Securities and Exchange Commission (SEC) Paul Atkins si uu u maamulo nidaamiyaha Wall Street.
Mr Atkins waxaa loo arkaa inuu aad u fahamsan yahay lacagha Digitalka ee cryptocurrency marka loo eego madaxa hadda ee SEC, Gary Gensler.
Qiimaha $100,000 ee bitcoin ayaa kiciyay taageerayaasha cryptocurrency ee adduunka iyagoo bilaabay damaashaad iyo mashxarad.
Qiimaha isbedbedelka badan ee Bitcoin ayaa had iyo jeer soo jiitay daneeyayaasha, iyada oo taageerayaasheeda ay si farxad leh uga falceliyaan marka ay dhaafto heerarkii qiimihii hore – iyo diidmada inta lagu jiro hoos u dhaca.
Laakiin astaantan gaarka ah ayaa si gaar ah loo sugayay. Jaantusyada toddobaadyada, memes iyo saadaalintu waxay ku wareegayeen warbaahinta bulshada oo ku saabsan goorta qiimuhu ku dhufan doono tirada loo maleynayo inuu yahay mid ka mid ah sara kici ugu sareeray ee adduunka crypto.
Malaayiin daawadayaal ah ayaa bilaabay xaflado onlaynka ah oo ay ku dabaal dagaayaan, waxayna aad ugu faraxsan yihiin qiimaha uu kor u kacay Bitcoin ee $100k.
Qiimaha hal bitcoin waa mid ka mid ah jaangooyooyinka rajada wanaagsan ee warshadaha cryptocurrency oo hadda lagu qiyaasay $3.3tn, sida ay sheegtay shirkadda falanqaynta ee Coin Market Cap.
Si kastaba waxaa cajiib ah sida qiimaha Bitcoin uu u gilgilay aduunka. Qiimaynta $100k waxay ka dhigan tahay 40% sara kac ah ay sameysay ka dib doorashadii Maraykanka iyo in ka badan laba jibaar qiimihii ay ku bilawday sanadkan in ka sare martay.