Muqdisho (HM) – Hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa baaqyo isdaba joog ah kasoo saaraya xaaladda walaaca badan leh ee abaaraha iyo macluusha Soomaaliya. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 730 carruur ah ay ku dhinteen xarumaha nafaqeynta ee Soomaaliya tan iyo bishii Jannaayo, waxayna ka digtay in tirada dhabta ah ay intaasi ka badan karto, iyadoo dalka uu galay xaaladda heerka ugu xun ee macluusha.
Qaramada Midoobay ayaa dhanka kale sheegtay in malaayiin qof ay halis ugu jiraan macaluul guud ahaan Geeska Afrika, oo ay ka jirto abaartii ugu darneyd ee soo marta muddo 40 sano ka dib markii afar xilli roobaad oo aan la helin roobab kuwaas oo saameeyay dad iyo duunyaba.
“Nafaqo-xumada waxay gaartay heer aan horay loo arag,” ayay tiri Wafaa Siciid, wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF.
“Illaa 730 caruur ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen xarumaha nafaqeynta ee dalka” intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Luulyo, ayay sii raacisay hadalkeeda Wafaa Siciid mar ay warbaahinta la hadleysay.
“Waxaan dareensanahay in sidoo kale ay tiradani ay ka badnaan karto, maadaama ay jiraan dhimashada carruur badan oo aan la soo sheegin.”
Waxay sheegtay in ilaa 1.5 milyan oo carruur ah kuwaas oo ku dhawaad kala bar ay da’doodu ka yar tahay shan sano ay halis ugu jiraan nafaqo-xumo ba’an.
Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ka digtay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macaluul markii labaad muddo toban sano gudahood ah, isla markaana waqtigu uu gabaabsi yahay si loo badbaadiyo nolosha dadka abaaruhu ku dhufteen.
Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in ay si gaar ah uga walaacsan tahay heerarka nafaqo-xumada ba’an ee carruurta ay wajahayaan kuwaas oo sababi kara in dhimashada caruurta ay soo kororto.
“Runtii aad ayaan uga walaacsanahay arrintan sababtoo ah waxaan sidoo kale aragnaa kororka cudurka shuban biyoodka,” ayay sii raacisay Wafaa hadalkeeda.
“Waxaa jira in ka badan 8,400 oo xaaladood sanadkan iyo ku dhawaad 13,000 oo xaaladood oo jadeeco ah. Kiisaska jadeecadana sanadkan oo kaliya ayaa ka badan inta la soo sheegay 2020 iyo 2021 marka la isku daro.”
Hay’adaha samafalka ayaa qeylo dhaan daran ka soo saaray xaaladda ben’aadantinimo ee Geeska Afrika. Soomaaliya oo keliya, qiyaastii 7.8 milyan oo qof ayaa wajahaya heerar gaajo iyo macluul daran, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay.
Maxamed Xuseen