Shacabka Falastiiniyiinta gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Qasa ayaa wajahaya xaalad nololeed oo aad u adag, taasi oo xitaa saameysay dabaaldegga Ciidul Adxaa.
Dadka ayaa walaac ka muujinaya sicir bararka, yaraanta agabka iyo raashinka nolosha muhiimka ah.
Qoysas badan ayaan awoodin inay iibsadaan dhar cusub, hilib ama macmacaanka ciidda loogu talagalay carruurta.
Sida ay sheegayaan Warbaahinta Gudaha Qasa, waxaa qaali noqday qiimaha neefka Xoolaha, si qofka uu qalo Udxiyada, Dad badan ayaa sheegay in xitaa hilib yar aysan awoodin inay carruurtooda u helaan.
Sidoo kale, gaaska cuntada lagu kariyo ayaa aad u yar, taasoo keentay in qoysaska qaar aysan karsan karin cunnooyinka iyo macmacaanka Ciidda.
Inkastoo xabbad-joojin ay jirto, haddana shacabka Qasa ayaa weli ka soo kabsan dhibaatada iyo colaadaha halkaasi ka taagan.
