Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in Soomaaliya maanta ay ku jirto marxalad adag oo kala fogaansho iyo kalsooni darro ah.
Waxa uu sheegay in ajandaha siyaasadeed ee uu wato Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qorshaha Puntland ee hanaanka federalismku ay aad u kala fogyihiin ayna marba marka ka dambeeya umadda Soomaaliyeed siyaasad ahaan sii kala fogaanayso.
“Aragtida aan kala adkaanno oo Xasan Sheekh iyo Dowladda Federaalka hoggaaminayaan iyo aragtida federaalka oo Puntland ku doodeyso ayaa suuqa yaalla, meel Soomaalidii kala aammin baxday baan joognaa,” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Wasiir Juxaa ayaa intaasi ku sii daray,“Waxaan joognaa meel Soomaalidii kala aammin baxday, meel ay kala shakisan tahay oo isku maqantahay. Waxaan isku haysannaa dastuurkii iyo dowlad dhiskii, basaboorkii iyo aqoonsigii, mashruucii iyo kolaygii baryada, shahaadadii iyo adeegyada aasaasiga ahaa.”

