Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa faah faahiyay heshiiska Iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo ay maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen labada Gole ee Baaralamaanka dalka.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay in Turkiga ay garab istaag u muujiyeen Soomaaliya waqti muhiim ah, taasna ay sababtay in heshiiskan ay la saxiixdaan.
Madaxweynaha oo Dowladda Turkiga ku tilmaamay saaxiib dhab ah ayaa sheegay in heshiiskan uu xaqiijin doono amniga badda Soomaaliya oo muddo badan si sharci darro ah looga kalluumeysanayey.
Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskan aan lagu dhibaateyn doonin Itoobiya, balse taa baddelkeeda lagu ilaalinayo amniga guud ee badda Soomaaliya, wuxuuse Itoobiya ugu baaqay in ay ka tanaasusho damaceeda biyaha Soomaaliya.
Heshiiska ayaa sida Madaxweynuhu sheegay isugu jira difaac iyo horumarin dhaqaalle oo badda Soomaaliya ah, waxaana 10 sano kadib, laga dhaxlayaa in Soomaaliya ay ku filnaato amniga biyaheeda, isla markaana loo dhiso ciidamo bad oo awood leh.
Heshiiskan ayaa ku soo aaddaya xilli Itoobiya ay damaacineyso biyaha Soomaaliya isla markaana uu meel aad u qaraar marayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.