Waxaa hadda laga gudbayaa in saxaafadda iyo weriyuhu keliya ka warramaan dhacdooyinkii maalinlaha ahaa, sida shirarka jaraa’id, dab kacay, shil gaari ama tareen & wixii lamid ah. Sababtu waxay tahay isbedelka teknoolajiyadeed ee dunida ka dhacay oo sababay in qof walba uu si iskiis ah usoo tebiyo waxa ka dhaca hareerahiisa, sidaasi darteed aan laga sugin telefashin, raadiye ama joornaalka. Laakiin, weli waxaa jira dowr bannaan oo saxaafadda keliya ay buuxin karto, waana midda warbaahinta dunida ay usii guureyso, taas oo ah [Warbaahinta Ra’iga] ee loo yaqaanno [Opinion journalism] oo ah in saxafigu uu lafa-gur ku sameeyo mowduuc gaar ah oo la xiriira siyaasad & arrimo bulsho tii uu doono.
Saxaafadda noocaan u shaqeysa waa mid ka duwan tan hadda Soomaaliya ka jirta ee ah in weriyuhu uusan ku laheyn aragti waxa uu soo tebinayo, sida marka uu warka sheegayo. Dhaqankaan saxaafadeed waxa uu weriyuhu yeelanayaa in uu muujiyo khaladaad jira, waxa uu sidoo kale uu sameyn karaa odrosid iyo bidhaaminta halka lagu wajahanyahay, laakiin, markasta waxaa reebban beenta iyo in sumcad dil lagu sameeyo qof iyo qofafba.
Saxaafadda ra’yiga waa mid xiiso badan oo dhadhan u yeeleysa mihnadda warbaahinta sidoo kalana abuureysa doodo gaara illaa heer qaran [National debates] iyo in hadba mowduuc gaar ah lagu jiheeyo bulshada, si loo helo isla xisaabtan ka yimaado dadweynaha. Haddaba, saxafiga jidkaan u jeesta uma baahna in uu noqdo dhex-dhexaad, has-yeeshee waxa uu ka warramaa sax iyo khalad, isaga oo aan been sheegin, waana saxaafadda maanta Soomaaliya danta u ah iyo dalalka ku jira marxaladda inala midka ah.
W/Q:- Abdiaziz Barrow