Madaxweynaha dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud oo khudbad ka jeediyey masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo u badan xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland, kuwaas oo isku khilaafay arrimaha doorashooyinka
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii sheegay inuu dhamaaday muddo xileeedkii sharciga ahaa ee Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo sidoo kalana uu ku eedeeyey inuu ka gaabiyey dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa beeniyey wararka sheegaya in ciidamada dowladda ay duulaan ku yihiin maamulka Jubaland, wuxuuna taa baddelkeda sheegay in ciidamada Raaskambooni la geeyey ay ka howl galayaan saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada nabad ilaalinta ATMIS.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in doorashada la qabanayo ay bar bilow u tahay doorashooyin dad weyne oo dalka oo dhan ka dhaca, wuxuuse xusay in iminka aysan suura gal ahayn in goobaha qaar ay ka dhacdo doorasho dadweyne, sababo la xiriira Al Shabaab oo deegaanadaas baaqi ku ah.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa carabka ku dhufay in dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna albaabada u furay cid kasta oo tabasho qabto in ay timaado miiska wada hadalka .